Qaylo dhaan ka soo baxdey xildhibaanada Hir-Shabeele oo argagixisadu ugaarsi ku bilowdey. Xildhibaanadan oo aan wax shaqo u hayn gobolka ay sheegtaan ayaa ka dhamaan la Muqdisho.
Argagixisada oo hadda ogaatey socdaalkooda ayaa dhexda u gasha kuna qaarajisa halkaas. Shalay ayay ahayd markii laga diley ilaa laba xildhibaan oo Muqdisho ku socdey.
“Waxaan ugu baaqayaa dowladda federaalka, Hirshabeelle keliya kuma filna nabadeynta degaanka, 24 saac diyaarad noo fadhida ma jirto, waxaan dowladda ka codsaneynaa in ay gacan naga siiso sidii ammaan looga dhigi lahaa wadooyinkan.” Ayuu yiri Xildhibaan Colow.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ciidan kala duwan geysay wadooyinka qaar ee Shabeellaha Dhexe, balse dariiq kasta lama dhigi karo askar.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS