07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qisada nin dab qabadsiiyay qoys danyar ahaa magaalada Hargeysa

Nin ka baxsaday Ciidanka Bilayska oo wali lagu daba joogo soo qabashiisa ayaa habeen hore dab qabadsiiyay Tiro kor u dhaafaysa 50 Buul Soomaali oo dhinaca isku haya oo ay dhex hurdeen Boqolaal dad ah oo ubad yar yar u badnaa Badhtamaha Dhismaha Guriga Ex-Xisbiga ee

Suuqa Gobanimo ee Xaafada Idaacada ee Degmadda 26-ka June ee Magaaladda Hargeysa,Waxaana qoysaskaasi bad baadiyay sida la sheegay Hooyadda Dhashay Ninkaasi oo ka war heshay inyar ka hor intaanu dabka qabadsiin ee uu Batroolka ku rusheeyay boolo yar yartaasi. Ninkan ayaa la sheegay inuu ka cadhooday hooyaddii oo nin kale Guursatay.

Hooyadda Dhashay Ninkan Oo Ka War Heshay Inyar Ka Hor Markii Uu Baatrool Ku Rusheeyay Buulal Ay Hurdeen Boqolaal Carruur Ahi Iyo Qaylo Dhaan Ay Bixisay

Wariye Wargeyska Foore ka tirsan oo Shalay aroortii booqday Goobtan ayaa indhihiisa ku soo arkay Buulo yar yar badan oo deganayd Guriga Xisbiga Dhexdiisa oo uu baro kiciyay Dabkaasi, iyagoo dadkaasi ubadkii u daad gureeyeeyay goob aan ka fogayn halka uu dabku baabiiyay,

iyadoo aanay Dawladu wax gar gaar ah u fidin dadkaasi marka laga reebo Dab damis wakhti dambe oo ay Buulooyinkaasi hurushoobeen gurmad ugu tagay. Xogo aanu ka helnay dadkii goobtaasi ku sugnaa ayaa tibaaxay in Hooyadda Dhashay ninka Dabka qabadsiiyay

Danyartaasi ay tiraba saddex jeer uga dacwo tagtay oo ay qaylo dhaan gaadhsiiyay Rug bilays oo dhinaca ku haysa Goobta dabka la qabadsiiyay,islamarkaana ay u sheegtay in Inanka ay dhashay uu ugu hanjabay inuu dab qabadsiinayo gurigeeda oo ay uga cabsi qabto inuu

Wakhtiga la hurdo uu falkaasi ku kaco,Waxaanay bilayska ka codsatay in loo xidho intaanu khasaare Gaysan, waxaana la sheegay inaanay Ciidanka halkaasi degani wax dheg ah jalaq u siin oo ay ka dhego adaygeen inay khatartaasi ka hortagaan.

Nin ka mid ahaa Dadkii u gurmaday Dabkaasi ee Carruurta ka daad gureeyay saqdii dhexe ee Habeen hore oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Cali ayaa Wargeyska FOORE u sheegay in Hooyadda dhashay Ninkaasi ay ka war heshay wiilkeeda oo Batrool ku

rushaynaya Buulkii ay ku jirtay iyo kuwii jaarka la ahaa islamarkaana ay guri guri u gashay guryihii islamarkaana ay toosisay dadkii dhex hurtay iyo Ubadkii,Waxaana uu yidhi “Hooyadda dhashay Wiilkan Falkan Foosha xun Gaystay oo ah Islaantaasi shalmada Buluuga ah leh,

Waxa ay ka war heshay Wiilkeeda oo Batrool ku rushaynaya Booladeeda iyo kuwii ku xeernaa,inta ay deg deg u baxday ayay qayliday oo ay toosisay dad badan oo ubad yar yar u badnaa oo dhex jiifay Boolooyin ka badan Konton guri,Waxa ay u sheegtay inay Ubadka deg deg uga daad guraystaan guryaha ka hor intaanay ku guban”.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Waxa qaar ka mid ah guryahan gubtay dhex yaalay Xaydha Geele ee Gaystarida lagu dabiibo,Waana waxa sii caawiyay dabka ee sii cusleeyay,Waayo Xaydhu waxa ay u oloshaa Sida Baatroolka,Daasadahaasi

Madoobaaday iyadaa ku jirtay,Waxaana la sheegayaa Lacag badani inay goobta ku gubatay. Gabadha halkaasi taagan Dirqi ayaanu kaga qabanayay dabka xalay oo ay ku soo ordaysay,Waxana laga yaabaa inay lacagi kaga gubatay, Bilayska ayaa Goobta ka qaaday Waraaqo lacago

ah oo shilingka Somaliland ah oo gubtay,Goobtani dhinac waxay ka ahayd meel lagu ganacsado oo lagu kariyo Caloosha Xoolaha, waxa sidoo kale lagu iibiyaa Xaydha Geele,Guryahaasi badan ee kale waxaa guri Xaasyo,Waxaananu Xalay ka bad baadinay ubad badan oo aad u yar yar

oo wakhtigaasi hurday,Dabku waxa uu ka bilaamay guriga ay degayd Guriga hooyada dhashay Ninka Dabkan sababay,Ninkaasi waa uu baxsaday markii uu falkaasi fuliyay”.

Gabadh iyaduna Halkaasi ku sugnayd oo Wariye Wargeyska FOORE ka tirsan u warrantay ayaa waxa ay tidhi: “Ninkani waxa uu waxaasi oo guri ah u gabay ee uu falkaasi ugu kacay,Waxa uu diidanaa oo uu ka cadhooday Hooyaddii oo nin kale guursatay,Waxa

Uu islaanta ugu hanjabay inuu dilayo,dabadeedna waxa uu soo qaatay batrool oo waxa uu ku rusheeyay boolooyinkaasi, Waakaasi waxaasi sameeyay ee foosha xun”.ayay hadalkeeda ku soo koobtay”

dab3-1[1]dab2-1[1]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS