X

Qisada qoys Holandays ah oo been loogu sheegay aduunyo gadoon oo la helay

Tuulo ku taala dalkaasi Holand ayaa laga badbaadiyay qoys Lix Ka kooban oo been loogu sheegay in aduunku gadoomay. Qoyskan la soo badbaadiyay ayaa ku noolaa taxadka hoose ee guri ku yaala dhul beereed  cidla Ku yaala. Waxa lagu yiri dadkii kale way wada dhinteen.


Dadka jaarka la ah ayaa sheegay in guriga uu ka soo baxo ninkeliya oo cagaf wata, waxana guriga uu ku xirey tobaneeyo kaamaro, wuxuuna isticmaali jirey qalabka askarta ee ay Ku fiiriyaan cadowga soo socda.

Caruurta ayaa la aaminsan yahay in hooyadood dhimatey oo Isla beerta ama guriga Ku Aasan tahay. Guriga ayaa lahaa keliya jaranjaro geedo ku xiran yihiin oo laga baxo.


Sidee loo ogaaday

Axadii la soo dhaafay ayay ahayd markii wiil 25 jira uu Ka baxsaday guriga xilli habeenimo ah oo inta kale wada hurdaan, wuxuuna kadib isku tuurey maqaaxi khamriga iibisa, waxaana loo wacay booliiska.

Caruurta taxadka gurigan Ku noolayd ayaan dugsi tegin 9 sanno oo ay ku jireen halkaas. Ninka soo baxsaday ayaa laga naxay sida uu u ekaa iyo dharka uu xirnaa.


Waxa guriga loogu tagey oday da jooga oo sariir jiifa iyo caruur laga naxay wejiyadooda. Waxay Ku noolaayeen sagaalkaa sano cunto ay Ka heli jireen beerta guriga. Caruurta ayaa hadda loo wareejay guri amaana halka aabahood loo kaxeeyay isbitaalka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.