Gudida Doorashooyinka Dadban Ee Maamul Gobolleedka Puntland Ayaa Soo Saaray War Qoraala Oo Ku Aadan Xildhibbaaanada Musharixiinta, Iyo Shuruudaha Looga Baahan Yahay.
Lagana Rabo Xildhibaan Kasta Oo U Tartamaya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ah Ee Soomaaliya.
Musharaxiinta Shuruudaha Looga Baahan Ayaa Waxa Ay Yihiin
- In Uu Yahay Ama Ay Tahay Muwaadin Soomaali Ah.
- Ugu Yaraan Da’da 25 Sano.
- Uu Haystaa Ama Haysataa Ugu Yaraan Shahaado Dugsi Sare Ama Khibrad U Dhiganta.
- Aan Ka Mid Ahayn GDGHDD Ama Ergada Doorashooyinka.
- Uu Kamid Yahay Ama Ay Kamid Tahay Beesha Kursiga Iska Leh.
- In Aan Heer Maxkamadeed Lagu Xukumin Danbi Uu Galay 5-Tii Sano Ee La Soo Dhaafay.
- Dhigida Koontada GDGHDD Lacag Dhan $10.000 Raga, Dumarka ($5.000). [Aqalka Sare]
- Dhigida Koontada GDGHDD Lacag Dhan $ 5.000 Ragga, Dumarka ($2.500). [Aqalka Hoose]
Soo Gudbinta Codsiga Musharaxnimada Ayaa Ah:
Xubin Walba Oo Doonaya Inuu Codsado Musharaxnimo Waa Inuu Buuxiyaa Arjiga Codsadaha Ee GDGHDD Isla Markaana La Ansixiyo, Lana Soo Gudbiyo Dukumiintiyada Hoos Ku Xusan Ee Taageeraya Musharaxnimada.
- Arjiga Codsiga Oo La Buuxiyey, GDGHDD Ay Ansixisay.
- Koobiga (Copy) Aqoonsi; Warqadda Dhalashada Ama Baasaboor.
- Shahaado Dugsi-Sare Ama Warqad Rasmi Ah Oo Ka Socota Hay’ad Horay U Shaqaalaysiisay.
- Cadeyn Ama Rasiid Bangiga Oo Cadaynaya Bixinta Lacagta Musharaxnimada Oo Aan Dib Loogu Soo Celin Doonin. Lacagtaasi Oo Dhan:
[Aqalka Sare: $10.000 Murashaxiinta Ragga & Murashaxiinta Dumarka $5.000].
[Aqalka Hoose; Murashaxiinta Ragga, $5.000, Dumarka Aqalka Hoose $2.500.]
Waxaana Lagu Shubayaa Koontada Ay Samaysatay GDGHDD Uu Musharaxu Iska Diiwaan Galinaayo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
![Gudida-Musharixiinta[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2016/10/Gudida-Musharixiinta1-300x173.jpg)
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay