November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Qodobada rasmiga ah ee Somaliya ku xidhey qaadka Kiiniya oo la shaaciyay

Madaxweyne ku xigeenka Kiinya Ruto aya walaac xoogan ka muujiyay in ganacsiga qaadka ee Kiiniya u soo dhoofiso Somaliya uuna soo noqon doonin ilaa doorashada dalku dib u dhacdo. Wuxuuna eeda saray madaxda hadda joogta. ”Wadahadaladu qunyar ayay u socdaan lagamana yaabo in ganacsiga qaadku furmo ayuu yiri RUTO.



”Somaliya waxay isku xireysaa arinta badda iyo qaadka anaguna waxaan qabnaa inay yihiin laba arimood oo kaka duwan ayuu yiri Ruuto.

Hadaba shuruudaha Somaliya ku xirtey maxay yihiin ee saxda ah

Dawlada Somaliya waxay soo jeedisay shan shuruudood si dib loogu bilaabo qaadka Kiiniya u soo dhoofiso dalka oo ah ganacsi aad u balaaran oo Kiiniya ku naaxdey, inkastoo Somaliya qudheda ay ka soo gasho cashuurta ugu badan oo gaaraysa 16 milyan oo doolar.



Shuruudaha ayaa waxa ku jira

In Kiiniya Somaliya ula macaamisho si siman halka weftiyo hoosaada ay soo dirto oo sheekadu noqoto wax u dhexeeya laba dawladood. Kiiniya ayaa qaadleyda u soo dirta Muqdisho si ay ula xaajoodaan, weyse hungoobeen inta dawladi jirto.

In Kiiniya ka fogaato siyaasada gudaha ee dalka, waxaan ognahay inay Axmed Madoobe ku hayso Kismaayo kana dhigato meel ay kala gorgortanto Somaliya siiba badda.



In Kiiniya raaligelin ka bixiso ku xad gudubkii ay ku xad gudbutey hawada Somaliya.

In Kiiniya u furto ganacsatada Somaliyeed inay bagaashkooda iyo kheyraadka kala duwan u iib geeyaan si xora KIiniya. Ganacsigaas waxa ku jira Malabka, bariiska, Sonkorta, iyo hilibka.

In Kiiniya ay joojiso diyaaradaha ka imaanaya Muqdisho ee rakaabkooda lagu baaro Wajeer, laguna bahdilo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS