Wararka laga helayo hay’adda Socdaalka Soomaaliya oo baaritaan ku heysa shilkii qabsaday diyaaradii Daallo Airlines ee garoonka Muqdisho ku soo laabatay kadib markii qarax ka dhacay gudaheed ayaa sheegaya in la aqoonsaday qofkii ka dhacay diyaaradda ee meydkiisa laga helay degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ninka dhintay ayaa la sheegay inuu ahaa ganacsade caan ah oo kasoo jeeda magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, laakiin degan magaalada Hargeysa, waxaana magaciisa lagu sheegay C/llaahi C/salaan Boore.
Wararka ayaa intaas ku daraya in ninkani u socday arrimo caafimaad kuna sii jeeday dalka Hindiya, halka warar kale sheegayaan inuu ku sii jeeday dalka Turkiga.
Ehelada ninkan ayaa meesha ka saaray suuragalnimada inuu is qarxin abaabulo ama uu ahaa qof qarax waday sida tuhunno hore ay sheegeen.
Hay;adaha baaritaanka ku wada diyaaradda iyo shilka ka dhex dhacay ayaan weli soo saarin wax rasmi ah, waxaana jira shakiyo badan oo ku wareegsan shilkaasi, kadib markii qofkii la tuhunsanaa uu noqday qof caadi ah oo weliba ganacsade caan ahaa.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay