Qofkii ugu da’weynaa aduunka ayaa Sucuudiga ku geeriyoodey. Sheekh Cali Al Xakiimi waxaa uu ahaa qofka ugu da’da weyn aduunka wuxuuna ku noolaa dalka Sucuudiga.
Sheekh Cali ayaa u geeriyooday dhiig maskaxda kafa furmay waxaana uu taariikh dheer ku leeyahay gudaha dalka Sucuudiga. Waxa da’diisu ahayd 147 sano oo ka dhigeysa qofka aduunka ugu da’weyn.
Dadka qofkiisa ah ayaa sheegay in Sheekhu lugeyn jirey taas oo ay ku sheegeen in ay caafimaadkiisa dheeraysay halka dadka kale gaari iyo waxyaalo kale raacaan.
Waxaa uu degganaa magaalada la yiraahdo Abxaa oo magaalada Maka u jirta 600KM waligiina gaari uma raacin Maka iyo magaalooyinka la midka ah, wuuna lugeyn jirey.
Cuntooyinka uu jeclaa
Sheekh Cali ayaa aad u jeclaa cuntooyinka beeraha ka soo go’a sida Khudaarta cagaaran, Qamadiga, Galleyda, Digirta iyo Malabka.
Waxaa uu ka fogaan jiray cuntooyinka warshadeysan ama qasaaca waxaana uu sidoo kale cuni jiray Hilibka Xoolaha markaas la qalay.
Marka uu xajinayo waxaa uu Xajka ku tagi jiray Lugta,isaga oo 600km aan gaari u raaci jirin halkaas oo ay ku taallo Magaalada Makah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay