X

Qoor-qoor oo bixiyay digniin culus kadib amar soo celintii

Madaxweynaha maamulka Galmudug Qor-qoor ayaa gaadhay degmada Guriceel halkaas oo dagaal ay uga saareen kooxda sheegan jirtey Ahlusunna oo gabaad ka dhigatey guryaha magaalada.


“Cidna kama ogolaaneyno in ay hub sharci daro ah ay ku heysato tuulo ka mid ah Galmudug, iskaba daaye in ay degmo soo weerarto”ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

Qoor-qoor ayaa la filayaa inuu dejiyo magaalada ayadoo la sheegayo in maamulka degmadu baacsan doono shaqsiyaad hore u taageeray ama kharashaynayay maleeshiyada. ”Waxa lagu kari waayay war nabad ku raadsada ayuu yiri Cali Calasow.

”Waxay rabeen inay helaan cad dheeraada oo ka badan kan hadda beelaha Hawiye ka heleen maamulka Galmudug oo sida muuqata ay kayihiin dadka ugu badan ayuu qabaa Xuseen Warsame.


“Waxaan isku daynay oo aan wado kasto u marnay sidii looga baaqsan lahaa dagaal dhibaato u geysta dadka deegaanka oo waxaan jiho kasto u marnay inaan Ahlu Sunna kala hadalno xooga ay ku qabsadeen magaalada iney isaga baxaan si aanan dagaal u dhicin, lakiin cidkasto aan u dirnay way kuso gacan seyreen” ayuu yiri madaxweyne Qoorqoor.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.