X

Kiiniya oo muujisay walaaca ay ka qabto soo noqoshada Farmaajo

uhuru araabinews

Kadib guushii ka soo hoyatey baddeenii ay Kiiniya inagu qabsatay, Kiiniya ayaa hadda ka fekeraysa sidii ay mnar uun ku heli lahayd gorgortan dambe oo laga galo baddeena waa sida uu qabo la taliye Uhuru ka agdhow oo magaciisa qariyay.


”Hadda waxa noo furan inaan dalaalano iyo in aan sidaa ku ilowno badda oo aan xiriir fiican la yeelano badda anagoo eegayna maslaxada guud ayuu yiri la taliyaha Uhuru.

”Masxaladaas ma imaan karto inta uu madaxweyne Farmaajo hayo xukunka dalka Somaliya ayuu raaciyay waayo waa shaqsi ka duwan madaxdii hore ee aan ku socon jirnay ayuu raaciyay.


Kiiniya ayaa u muuqata in dagaal ay la gasho Somaliya ayna faaiido ugu jirin waxana talo noocaasa ugu yaraan siiyay saxaafada dalka Kiiniya, waxase welli aan la ogeyn taageero intee leeg ayay ka heli doonaan Maraykanka iyo Ingiriiska.


Si kastaba ha ahaatee waxaa la filayaa inay bilaabanto xadaynta go’aankii ay gaartey maxkamada marka Somaliya ay ka dhalato dawlad cusub.

Walaaca Kiiniya ayaa waxa la qaba kooxda Xalane oo aan rabin in madaxweyne Farmaajo soo noqon oo horgale kale yimaado. Raagitaanka doorashada dalka ayaa qayb ka ah qalqal gelinta siyaasada dalka ee kooxda Xalane.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.