11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qoor-qoor oo xaqiijay in oday wadaad ahaa shaadh maamul lagu diley

Waxa maalin dhaweyd magaalada Gaalkacayo lagu diley oday wadaad oo lagu magacaabi jirey Sh Cali Axmed Faarax. Qoor-qoor oo ka qayb galay aaska marxuunka ayaa balan qaaday in gunta kiiskan la soo taaban doono. Dadka qaarkii ayaa qaba in isla kuwan jooga aaska ay lug ku leeyihiin.



Sheekh Cali Axmed Faarax ayaa ahaa maamulihii xarunta daryeelka agoonta ee gobolka Mudug. Waxana la cadeeyay in gurigiisa laga kaxaystey kadibna la diley, ayna ahaayeen rag ka tirsan maaulka.



Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa isagu murugo is hayn waayay laakiin sheegay inuu qayb ka noqon doono baaritaanka. ”Wuxuu ahaa dil la qorsheeyay kadibna la fuliyay ayuu yiri Qoor-qoor.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS