November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Qoorqoor oo soo saaray tartameyaasha kuraasta aqalka sare ee hadhay

Horjoogaha Galmudug ayaa caawa soo saaray tartameyaasha kuraasta aqalka ee welli ku hadhanaa Galmudug. Kuraastan oo loo xiray shaqsiyaad ayaa muddo la hakiyay kadibna waxaba dhacay dagaalkii Guriceel.




Kursiga koowaad waxaa ku wada tartami doona Musharaxiinta kala ah Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid) iyo Cawil Nuur Cali, halka Kursiga labaadna ay ku tartami doonaan Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.



Doorashadan ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Sabtida ee bishu tahay 13. Maamul jufeedyada ayaa lagu eedeeyay inay daahiyeen doorashada iyadoo qaarkood la ogyahay inay si toosa ugu xiran yihiin shisheeye.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS