X

Qoraalka Ingiriisku u gudbiyay QM maanta iyo qaskii Muqdisho oo isla socda

SRSG for Somalia Security Council meeting The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2020/121)

Waxa maanta golaha qaramada u fadhiisanayaa qoraal Ingiriisku wato oo ah in Somaliya lagu sii giijiyo cunaqataynta hubka oo Ingiriiska oo ka mida dalalka waaweyn ee qaska ka wada Somaliya uu dabada ka riixayo markii 15-naad.


Inkastoo dawladaha Ruushka iyo Shiinaha ay diidan yihiin sida qoraalku u qoran yahay, ayagoo arkaya horumarka laga gaaray dib u dhiska ciidanka qaranka, haddana ugu dambneynn waxay taageerayaan qoraal aad sidaa u adkeyn.

”Waxa toos isugu xiran qaskii Muqdisho ka dhacay iyo qoraalka Ingiriisku wato oo si cad ugu eg inay isla socdaan, wuxuuna Ingiriiska ku darsaday qoraalka qaskii la isla ogaa isagoo ku doodi doona shaadhka gubtey ee qabiil baa qabiilkale eryana ayuu yiri Cali Calasow.


Dawlada Somaliya ayaan digniin ka soo saarin ku sii giijinta kooxda sheegata beesha caalamka ay dalka ku sii giijinayso cunaqataynta hubka xilli dalku galay marxalad xasaasiya oo qaranimadeeda iyo is difaaca dalka ay horjoogaan kooxdan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.