X

Madaxweynaha oo markale u yeeray laba maamul jufeed oo ajaanibtu wadato

Waxa si toosa uga socda magaalada Muqdisho shirka lagu dhamaystirayo doorahada ay diidan yihiin kooxda sheegata beesha caalamka ee ay ku jiraan Imaaraadka iyo Kiiniya oo wata horjoogeyaasha Siciid Deni iyo Axmed Madoobe iyo kooxda madasha ee iyagu dhawaan arbushey Muqdisho.


Labadan horjooge oo xildhibaanada ka soo baxaya lagu qaban karo Muqdisho ayaa kooxda sheegara beesha caalamka oo arkaysa in madaxweyne Farmaajo soo noqonayo isku dayaysa sidii ay dalka khal khal u geliso si ay u yiraahaan aan la wareegno nidaamka doorashada.


Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan maamul jufeedyaada yimaadaan Muqdisho.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.