X

Qoxootiga ku sugan jasiirado ka tirsan Ustareeliya oo lacag badan ku guulaystey

Qoxootiga ku sugan jasiirado ka tirsan Ustareeliya ayaa lacag badan ku guulaystey lacagtaas oo gaaraysa 56 Milyan oo doolarka Maraykanka ah kadib dacwad lagu qaaday dawlada Ustareeliya.

Waa lacagtii ugu badneyd ee la siiyo qoxooti. Qareenada qoxootigan ku jira jasiirado ku yaala Ustareeliya ayaa sheegay in dawladu gudan weyday waajibkii ka saarnaa magangelyo doonka.



Magangelyo doonkan ayaa loo diidey in ay Ustareeliya galaan waxayna ku noolaayeen xaalado xun ayadoo qaarkood lagu kufsadey goobihii la geeyay oo ah dhul aan lahayn daryeel fiican iskana ah baadiye.

Nin Iiraani ah oo ku jira xerooyin ka tirsan jasiiradaha la geeyay ayaa sheegay in lacagi ahayn  wax kasta laakiin nolosha aan ku nool nahay ayna waxba iska bedelin.



Tirada ku jirtey jasiiradaha la geeyay magangalyo doonka ayaa ahayd 1923 magan gelyo doon waxana loo qaybin doonaa lacagtaas inkastoo ay dalbadeen in lacagtaas la siiyo inta aan la xirin goobaha ay degan yihiin.

Dawlada ayaa sheegtay in dadka jasiiradahaas degan la geyn doono wadamo kale iyo gudaha Ustareeliya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.