X

Shacabka Siiriya oo halmar ilaaway argagixisada Carabtu taageerto ee burburiyay dalkooda iyo sababta

Shacabka Siiriya ayaa halmar ilaaway argagixisada Carabtu taageerto ee burburiyay dalkooda ayagoo halmar kor u taagey calanka dalkooda farxad iyo rayn rayn awgeed. Farxadaan ayaa timi ayadoo xulka qaranka ee dalkaasi uu u dhow yahay in uu u soo baxo isreeb reebka kubada aduunka ee 2018.

Ciyaarta kubada aduunka aya sanadka soo socda lagu qabanayaa Ruushka oo isagu Siiriya ka badbnaadiyay in ay ku biirto dalalka la burburiyay sida Liibiya, Afgaanistaan, Somaliya, iyo Ciraaq.



Xulka kubada cagta Siiriya ayaa barbar dhac la galay Iiraan taas oo ka dhigan in ay is reebreebka ugu dambeeya wada ciyaari doonaan Ustareeliya oo an fududeyn.

Haddii ay garaacaan Ustareeliya waxay la ciyaari doonaan Maraykanka oo fadhiya kaalinta ugu dambeysa ciyaaragha wadamada Woqooyiga Amerika. Waxayna noqon doonaan ciyaar xiise leh maadaama hubka Maraykanku siiyo argagixisada lagu burburiyo Siiriya.



Siiriya ayaan weligeed u soo bixin ciyaaraha kubada aduunka, waxayna noqonaysaa ka soo kabasho wacan ayadoo dalka badankiisa uu ku jiro gacanta dawlada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.