22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qoxootigii ugu badnaa oo Somali iyo Yamani ah oo soo gaaray Boosaaso+SAWIRO

Boosaaso–Qaxootigan ayaa isugu jiray rag, dumar, carruur, dhalinyaro iyo dad waaweyn isla markaana qaarkood qabay xanuuno kale duwan. Tiro ahaan waxa ay gaarayaan 502 qof, waxaana lagala hortagay markii ay ka soo degeen doonida biyo cunto iyo dawo.

Waxaa loo gudbiyey kuwa qabay xanuunka xarumaha caafimaadka ee magaalada si xaaladooda caafimaad lagula tacaalo, halka kuwa kale la geeyey goobo ay ugu tala gashay Puntland.

Magaalooyinka Sanca iyo Mukalah ayey ka soo qaxeen qaxootiga maanta dib ugu soo laabtay dalkooda.

Waiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Cabdullaahi Qoob deero oo warbaahinta kula hadlay gudaha dekadda ayaa sheegay in qaxootiga soo gaaray magaalada ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen isla markana la geen doono goobo loogu tala galay.

56[1] 66[1] 75[1] 112[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM