Boosaaso–Qoxootigii ugu horeeyay ee Somali ah oo dalkooda dib ugu soo qaxa kadib markii ay siyaabo kala duwan ugu qaxeen Yaman ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso. Qoxootigan ayaa ku mahadiyay in dhulkoodii dib ugu soo noqdeen kadib tacadiyo ay qarsanayeen oo soo gaaray.
Dadka soo barakacay ayaa isugu jira Dad waaweyn, dhalinyaro iyo caruur, waxaana ka muuqanayay rafaadka ay soo mareen iyo sidoo kale dhibaatooyinka dalkaasi ay kala soo kulmeen.
Waxaa dadkani dekadda Boosaaso kusoo dhaweeyay duqa degmadaasi Xasan Cabdalla Xasan, isaga oo sheegay in ay filayeen dad Soomaaliyeed oo kasoo qaxa dagaallada Yemen, waxaana uu sheegay in dadkaan si gaar ah loola socon doono xaaladooda.
Dhinaca kale waxaa halkaasi saxaafadda kula hadlay gudoomiyaha gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan, waxaana uu sheegay in dib u dejin loo sameyn doono dhamman dadkani kasoo barakacay dalka Yemen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS