X

Qoys Somali ah oo Masar lagu gubey iyo sidey wax u dhaceen: SAWIRO naxdinleh

Dhamaadkii bisha Ramadaan ayaa waxaa ka dhacay dalkaasi Masar arrin fool xun oo lagula kacay qoys soomaaliyeed kaddib markii nin u dhashay dalkaasi oo masri ah uu biyo kulul iyo jir-dil isugu daray isagaano gurigooda ugu soo galay.

Hooyada qoyskan oo magaceeda naloogu sheegay Xamdi ayaa sida ay wararku nagu soo gaarayaan u geeriyootay maanta dhaawicii kasoo gaaray werarkan ee dabka iyo jir-dilka ahaa, waxaana sida ay qaraabadeedu xaqiijiyeen aysan helin gar-gaar fiican kaddib markii la geeyay cusbitaal dowladdu maamusho.

Dhacdadan ayaa timid kaddib markii qoyska ninka masriga ah iyo qoyska soomaaliyeed caruurtoodu isku dheceen, waxaana arrintaasi kaddib werar soo qaaday qoyska masaarida oo uu horkacayo odayga, khasaaraha aad aragtaana u geystay.

Odayga reerka oo isla maalintii uu falka geystay la xiray ayaa maanta dib u helay xorriyadiisa kaddib markii ay dhimatay hooyada qoyska soomaaliyeed taas oo fajac ku noqotay bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Masar.

Qoyska la wax-yeeleeyay ayaa dhawaan waxa ay kasoo qaxeen dalka Yemen, waxaana uu aabohood weli ku sugan yahay dalka Yemen ee ay dagaaladu ka socdaan.

Qaraabadan qoyskan oo aan la xiriirnay ayaa xaqiijiyay in safaaradda soomaalidu ay arrintan wax kala qaban weyday, sidaasna aysan ku haysan wax xuquuqdooda usoo dhacsha.

Allaha u naxariistee, hooyo Xamdi ayaa ifka uga tagtay afar caruur ah kuwaas oo qaarkood iyana dhaawac ah, waxaana u weyn 15-jir, una yar 6 jir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.