X

Qoysas ay soo barakiciyeen dhiigmiiratada shabaab oo afka furtey

Waxa afar deegaan oo hoos dega gobolka Shabeeaha hoose ka soo barakacay qoysas gaaraya 1500 oo hadda dhaxanta iyo cunto la’aan ku hayso deegaanka duleedka Marka.


Qoysaskan ayaa dhiigmiiratada shabaab ka qaadatey xoolihii iyo beerihii ay ku noolaayeen. Dadkan danyarta ah ayaanay jirin cid haba yaraatee u gurmatey ayadoo hadda uun lagu warhelay.


Masaakiintan xoolaheedii la dhacay ayaa saxaafada uga waramay sida wax u dhaceen. Waxayse dalbadeen gurmad degdega ayadoo xaaladooda caafimaad iyo mida amniba ay liidato.

Maaha markii ugu horeysay oo dhiigmiirarada shabaab ay soo barakiciso masaakiin kadibna ay qaadato beerahooda iyo xoolahooda.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.