X

Somaliya oo danjire cusub u magacowday Masar iyo wakiilka Carabta

Safiir Ilyaas Sh Cumar ayaa loo magacaabay safiirka cusub ee Somaliya u fadhin doona Masar iyo ururka Carabta. Ilyaas ayaa ka mid ahaa safiirada dhawaanta ay diideen golaha wasiirada.


Dowladda Masar ayaa la sheegay inay soo aqbashay danjiraha cusub ee dawladda Soomaaliya u magacawday dalkaas. Somaliya ayaa danjire ku lahayn Masar tana waxay sii kordhinaysaa xiriirka qotada dheer ee Masar iyo Somaliya inkastoo mugdi uu jirey baryihii dambe.


Ilyaas Sheekh Cumar ayaa ka mid ahaa danjireyaal 12 gaaraya oo isku jufo wada ahaa oo golaha wasiirada diideen. Nidaamka xaaranta ah ee 4.5 ayaa keenay in dad Somali ah la xaqiro.

Ilyaas ayaa la sheegaa inuu xiriir dhow la leeyahay Masaarida.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.