X

Qunsuliyada Turkiga ee Hargeysa oo soo saartey hab dadka qaar ku adag oo fiise lagu helayo

Qunsuliyada u Joogta Hargeysa safaarada Turkiga ee Muqdisho ayaa soo saartey hab dadka qaar ku adag oo fiise looga helayo qunsuliyada laga bilaabo maalinta berri ah. Nidaamkan cusub ayaa laga rabaa qofka in uu la yimaado ama soo xeraysto arkjiga fiisaha bil kahor inta aanu socdaalin.

Waxana nidaamka cusub sheegayaa in qofku arjiga fiisaha ku buuxiyo ONLINE kadibna isagoo buuxiyay uu la yimaado qunsuliyada waana in uu haystaa balan uu ku galayo qunsuliyada.

.    Dadka u baahan fiisaha Turkey-ga ee aan qaadan karin fiisaha elaktarooniga ah/E-visa waxa laga doonayaa inay marka hore ku codsadaan fiisaha (Fiisayaasha dhammaan ujeedooyinka socdaal) si Online-ah iyagoo ka codsanaya mareegta www.visa.gov.tr. (Ciddii u qalmi karta  fiisaha elaktarooniga ah/E-visa faahfaahintiisa waxa  laga heli karaa www.evisa.gov.tr/en/);

2.    Kadib marka uu qofku sidan sare u codsado fiisaha, waxa uu booqanaya xarunta Qunsuliyadda Turkey-ga ee Hargeysa sida ballanta loogu qabto;

3.    Muddada codsiga ballanta ee Qunsuliyadda, codsadayaashu waa inay soo buuxiyaan dhammaan wixii shuruudaha ah, soona gudbiyaan wixii dhukmentiyo ama caddaymo qoraal ah ee la xidhiidha codsigooda;

4.    Codsade kasta waa inuu si shakhsi ah u dalbado ballanta fiisaha;

5.    Araajida fiisaha marka la aqbalo ayaa la bixinayaa lacagta fiisaha; haddii la diido codsiga fiisaha, dib uma heli karo qofku lacagtii uu bixiyay ee fiisaha;

6.    Dhammaan dadka codsanaya fiisaha waxa sidoo kale laga doonayaa inay haystaan caymis caafimaad socdaaleed oo shaqaynaya (Valid travel health insurance) oo ku siman muddada la filayo inay joogaan ama sii dhaafayaan Turkey-ga (Intended stay or transit);

7.    Codsadayaasha iska yimaada Qunsuliyadda iyaga oo aan ballan hore loogu samayn nidaamka Online-ka ah, lama aqbali doono, loomana adeegi doono;

8.    Dhammaan Fiisayaasha dalku galka Turkey-ga waxa soo oggolaata Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Turkey-ga, sidaa darteed, dadka fiisaha codsanaya waxa laga rabaa inay codsiyadooda gudbiyaan ugu yaraan ka hor afar todobaad xilliga la fili karo in lagu socdaalo, si looga badbaado wixii dhibaato ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.