Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay 20 kalena waa ay ku dhaawacmeen rabshado maanta ka dhacay Caasimada Jabuuti.
Rabshadahan ayaa ka bilaabmay munaasibad mucaaridka dalkaasi ku xusayeen Mawliidka Nebi Muahamed (NNKH) taasi oo maanta ku beegnayd.
Masuul ka tirsan mucaaridka Jabuuti ayaa BBCda u sheegay in ciidamada Booliiska Jabuuti ay dileen 15 Ruux, 20 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada Booliisku ay rasaas ku fureen dadwaynaha ku sugnaa munaasibadaas.
Geesta kale, Taliyaha ciidanka Booliiska JabUuti Cabdullaahi Cabdi faarax, ayaa sheegay in rabshadahaasi ay ka dambeeyeen mucaaridka dalkaasi isagoo ku dooday in la dhaawacay 35 askari oo ka tirsan ciidamada booliiska, Taliyuhu waxaa uu sheegay in la xidhxidhay xubno lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen rabshadahani ka dhacay magaalada Jabuuti .
Taliyaha Ciidanka Booliiska Jabuuti waxaa uu ku hanjabay in dawladu ay sharciga marin doonto cida ka dambaysay rabshadahan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS