12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Rabshado ka dhacay Hargeysa oo gaystey khasaare hanti: SAWIRO

Magaalada Hargeysa ayaa saaka waxa ka dhacay mudaharaad baaxle oo sababaya khasaare kala duwan,kaas oo ka dhashay qorshe ay dowlada hoose ee Hargeysa doonayso inay jidadka ku banayso,isla markaana ay ku dumiso meheradaha iyo dhismayaasha soogala wadooyinka waa weyn ee caasimada.

Musdaharaadkan oo saaka ka istaadhmay degmada ibraahin koodbuur ee magaalada Hargeysa ayaa ka dhashay ka dib markii ay dowlada hoose ee Hargeysa saaka ollole dumin ah ku qaaday meheerada iyo guryaha ku hareeraysan wadada weyn ee dhanka gelbeed ugu baxda magaalada Hargeysa,taas oo ay saaka cagafyada dowlada hoose dhulka la simeen dukaano bakhaaro iyo meherado kale oo jidka ku hareeraysnaa,ayaa waxa ka dhashay qorshahan gadood shacab iyo mudahaarad ay dhigeen dadkii shacabka ahaa ganacsigoogii la dumiyey.

Dhanka kalena dadka mudaharaadayey ayaa waxa gubayeen taayiro,isla markaana  waxay tuurayeen dhagax iyo quraadaha sharaabka laga cabo,iyagoo kala xidhay jidka dhanka gelbeed ugu kaca magaalada Hargeysa,ee huteel guuleed galbeedkiisa ah,waxaana xusid mudan inay gaadiid badan muraayadaha ka jebiyeen,balse ma jiro khasaare nafeed oo ka dhashay.

.

Ciidamada amaanka caasimada Hargeysa oo soo gaadhay goobta ayaa muddo yar kadib ku guuleystay inay soo afjaraan rabshadahaasi, saaka ka curtay jidadka ay dowlada hoose banaynaysay,isla markaana waxay xabsiga u taxaabeen qaar kamid ah dadkii mudaharaadka dhigayey

Si kastaba ha-haatee tan iyo intii uu curtay sanadkan cusub ee 2016 waxa  magaalada Hargeysa ka dhacayey mudaharaado kala duwan,kuwaas oo ay dhigayeen shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa oo ay ku muujinyaan cabashooyin kala gedisan,waxaana xusid mudan in aanay wax-khasaare nafeed ah sababin,balse ay sababeen keliya khasaare mool.

12736311_925195970933217_399936938_n[1]12713904_925195960933218_328820521_n[1]12746199_925195904266557_1441899469_n[1]12714107_925195947599886_1726644543_n[1]12714359_925196037599877_18619773_n[1]12722083_925195994266548_1299836191_n[1]12736311_925195970933217_399936938_n[1]12746181_925195914266556_847684188_n[1]12746199_925195904266557_1441899469_n[1]12746279_925196090933205_1889761242_n[1]12325436_925195944266553_84303705_n[1]12722083_925195994266548_1299836191_n[1]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS