Rag dhac ka waday duleedka Muqdisho ayaa lagu guulaystey in la toogto. Way yartahay in la gacanta lagu soo dhigo kooxaha dadka dhibaateeya sida kooxda gaaleynta Muslimiinta iyo kuwa kale maadaama ay markaaba baxsadaan.
“Waxaan gacanta ku dhignay laba nin oo la toogtay iyo hubkii ay wateen iyo wadaha mooto Bajaajta oo nool, waxay ahaayeen niman burcad ah oo dhac ka geystay xaafad ka tirsan Garasbaaley, askari ayaa toogasho ku dilay raggan, kadib markii ay shacabka ka dalbadeen inuu garab siiyo, hay’adaha ammaanka ayaa la wareegay kiiska, waxaan u mahadcelinayaa wada shaqeynta shacabka Garasbaaley”. ayuu yiri guddoomiyaha Garasbaaley.
Talaabadan ayaa looga mahadceliyay dadka shacabka oo kaalin muhiima ka qaatey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS