Ciidanka Amaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay kusoo bandhigeen Magaalada Baydhabo Saraakiil katirsanaa Daacish.
Ragga La qabtay oo tiradooda gaareyso Afar ayaa Daacish uqaabilsanaa Dhinaca Gobollada Bay Iyo Bakool oo Koonfur Galbeed ka arimiso.
Magacyada Afarta Sargaal Ee Daacish katirsanaa ee lasoo bandhhigay ayaa kala Ah:-
-
Maxamed Sheekh Isaaq oo qaabilsanaa qaraxyada
-
C.casiis Xasan Mursal oo qaabilsanaa qeybta Jabhadaha
-
Mahad Nuux Siidoow, oo shaqadiisu aheyd Sameyta iyo diyaarinta Qaraxyada Macmalka
-
Cali Maxamed Gaaboow oo ahaa Hogaamiyaha Ururka Daacish Ee Bay iyo Bakool
Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed waxay sheegeen in Afarta Nin ee lasoo bandhigay ay ku qabteen xilli ay Qaraxyo ka abaabulayeen Magaalada Baydhabo
qabteen xilli ay Qaraxyo ka abaabulayeen Magaalada Baydhabo.
Waa markii ugu horeysay oo Xubno katirsan Kooxda gaaleynta Muslimiinta nolol lagu qabto Koofurta Somaliya kadibna saxaafada loo so bandhigo.


C/llaaghi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay