November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Raiisal wasaaraha madaxa adag ee Ingiriiska oo ku dhow in jeel loo taxaabo

Raisal wasaaraha madaxa adag ee Ingiriiska Booris Joonson ayaa ku dhow in jeelka loo taxaabo. Barlamaanka dalkaasi oo mucaaradku hogaamiyo ayaa awooda Kala wareegay xisbigiisa burburka ku dhow kadib markii eryid uu ku bilaabay xildhibaan kasta oo fikirkiisa diida.



Wuxuu ilaa hadda xisbigiisa Ka eryay 23 xildhibaan oo iyagu diidey fikirkiisa ku Aadan in Ingiriisku Ka baxo Yurub bilaa heshiis. Dadka diidey fikirkiisa xagjir Taram hogaamiyo ayaa waxa ku jira walaalkii oo daraad Ka baxay xisbiga iyo xildhibaanimadaba.

Booris oo talada Ka qaata xagjir Taram ayaa sheegay inuu Ka xigo inuu ku dhinto bulaacad inuu u tago reer Yurub weydiistana in la kordhiyo mudada wadahadalada Ka bixida.



Barlamaanka la wareegay xukunka dalkaasi ayaa sharci Ka dhigey inuu Yurub tago oo uu weydiisto muddo kordhin wadahadalada Ka bixida, taas oo uu si cad u diidey inuu sameeyo.

“Haddii uu ku adkeysto diidmada waxa xiga in dacwad sharci-diidmo ah lagu oogo loona raaciyo xukun maxkamad quursi ah taas oo ah in jeelka lagu tuuro ayuu yiri qareen sharci yaqaana.



“Ilaa hadda wuu Iska  hadlayaa laakiin Uma malaynayo inuu ogyahay sida xaalku yahay ayuu raaciyay sharci yaqaanku.

“Wuxuu kaloo samayn karaa inuu xubin kale u wakiisho inuu fuliyo go’aanka barlamaanka ee ah inuu Yurub tago weydiistana muddo kordhin inkastoo uu diidmo muujiyay.



Xubnihii uu xisbiga Ka eryay ayaa raba in jeelka lagu tuuro madax adaydnimadiisa iyo fikir Ka qaadashada xagjir Taram. Waxase la sugaa ilaa bisha dambe talaabada xigta ee uu qaado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS