Waxa maalintii labaad galay shirka u dhexeeya maamul jufeedyada ay wataan ajaanibtu iyo inta soo hartey. Waxa Kiiniya ay la timi shuruud cusub oo ay soo marsiisay Axmed Madoobe. Shuruudaas oo ah in doorashada lagu qabto keliya magaalo madaxyada gobolada.
Raiisal wasaaraha ayaa diidey sheegayna inay taasi noqonayso shuruud cusub oo aan meelna ina gaarsiinayn. Keliya waxa loo furey in lagu saxiixo heshiisyadii hore loo gaaray.
Waxaadse moodaa in ajaanibtu kolba ay is leeyihiin qodob cusub ku soo darsada ama cidkale ku soo dara, taasna maaha waxa loo yimi meesha ayuu yiri Cali Calasow.
Madaxweynaha oo ilaa hadda ayna jirin musharax macquula oo la tartami kara ayaa isagu ka daawanaya aqalkiisa. Si kastaba ha ahaatee waxa looga fadhiyaa in doorashada la mudeeyo, ayadoo ay ogyihiin in musharax Farmaajo cidla taagan yahay ayna ka xun yihiin inuu noqdo musharax.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS