X

Warar faahfaahsan oo ka soo baxaya cida dishey ganacsade Bashiir Gaboobe

Warar dheeraada oo ka soo baxaya cida dishey cida dishey ganacsade Bashiir Gaboobe oo shalkay lagu aasay xabaalo ku yaala Nayroobi markii la baaray jirkisa. Bashiir ayaa sida muuqatey la gubey ayna ka maqnaayeen cidiyaha labadiisa suul.


”Sirdoonka Kiiniya ayaa qaba in Bashiir Gaboobe oo mar la socday madaxweynaha Kiiniya kuna  guulaystey qandaraasyo dhisida uu xiriir la ahaa masuul ka tirsan dawlada Somaliya oo ayna magacaabin.

”Waxa jira lacago loo gudbiyay Suudaan kadibna loo dhaafiyay Muqdisho sida ay sheegeen sirdoonka Kiiniya oo ah kuwa iyagu qaarajay Bashiir Gaboobe oo ku tilmaamay inuu samaystey cadowyo shaqada uu hayo awgeed.


Qoyska Bashiir Gaboobe ayaa codsaday in sirdoonka Maraykanku soo farogeliyo si loo helo sababta dhabta ah ee loo diley Bashiir Gaboobe iyo weliba waxa uu u dhintey. Sirdoonka Maraykanka ayaa iu soo direy qof baara arintan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.