X

Raiisal wasaaraha oo welli ka aamusan eedayn culus oo loo jeediyay

Maxamed Xuseen Rooble oo ahayd inuu doorashada kala tuuro muddo hore ayaa ilaa hadda ka dhamaan waayay safaro kolba fariimo cusub loogu soo dhiibo, waxana dad badan qabaan waa halka dalku ka dhaqaaqi la’yahay.


Waxa u dambeysay eedo culus oo dhul booba oo loo jeediaya oo aanu ilaa hadda ka hadlin jawaabna ka bixin. Waxase mardhow uu eedo kale u jeediyay ciidanka iyo waxa uu ku tilmaamay kooxo uu ku tilmaamy inay qas wadaan.


”Wixiisu waa ciid isku qarin, ninkaan doorashaa loo dhiibay halkii uu doorashada wadi lahaa wuxuu bilaabay inuu kala diro guddiyadii khilaafaadka, mardhowna wuxuu cunay gudoomiyihii guddiga doorashada, marka waxaad is weydiin kartaa halkee dalkan ku wadaa ayuu is weydiiyay Cali Calasow.



”Bal hadda doorashadii meel ku sheeg waxaaba laga hadlayaa inuu qas ka bilaabo maamul goboleedyada inkastoo uu hore ugu fashilmay ayuu raaciyay Cali Calasow. Waxba u tari mayaso eedayn uu kolba hoos uga soo tuuro madaxweynaha, tan ugu daran ayaa ah inaanu jirin hal maamul goboleed oo kalsooni u haya xitaa kuwii la oran jirey way raacsan yihiin waayo waxay arkeen inuuna ahayn shaqsi karti leh.


Bal hadda doorashadii meel ku sheega waa su’aasha ugu weyn ee la is weydiinayo ilaa hadda.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.