X

Raiisal wasaaraha Yuhuuda oo qarxiyay sida Carabtu ugu soo kala ordayaan

Raiisal wasaaraha Yuhuuda ayaa sheegay in Carabtu u soo kala ordayso xilli Taram u balan qaaday Imaaraadka in aanu khasaare ka soo gaadheyn in xiriirkooda dibedda u soo bixiyaan. ”Hadda Carabtu way noo soo kala ordayaan umana baahnin in aan sugno Falastiinta in aan xiriir la yelano ayuu yiri Natanyahu.


Yuhuuda oo xooga Maraykanka ku fadhida dhulka Carabta ayaa hadda dareensan in ay hadda sidey doonto ka yeeli doonto dhulka Falastiinta oo markii hore diidanaayeen wadamada reer galbeedka iyo Ruushku.

”Waxa si toosa uu xiriir noogala dhexeeyaa wadamada Carabta oo dhan dhawaana iyagaa dibedda u soo bixi doonaa. Carabta khaliijka oo wahaabiyada Sucuudigu ugu weyn tahay ayaa xiriir toosa la leh Yuhuuda.

”Wax cusub maaha munaafaqada Carabtu waana iyaga kuwa halkaa dhigey dalalka Muslimiinta intooda badan. ayuu yiri Xuseen Warsame


Weftigii ugu horeeyay ee Yuhuuda ee si lawada arkayo u taga Imaaraadka ayaa waxa hogaaminayo sodoga Taram, waxana isla markiiba lagu amrey inay iibsadaan hub iyo diyaarado aan la garanayn cida ay isaga difaaci doonaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.