X

Taageereyaasha Muuse Biixi oo dil ugu hanjabay afhayeenka xisbiga Wadani

Afhayeenka xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa helay qoraal hanjabaada oo dil loogu hanjabayo isla markaana lagu sheegay in aan magtiisa ka bixin doono maadaama laandheere dilayo. Maahaa markii ugu horeysay ee afhayeenku hanjabaad helo ee waxa dhowr mar oo hore lagu dhexdiley Hargeysa.


Afhayeenka oo cunaha u galay xisbiga beesha Muuse Biixi ayaa ah nin shaqadiisa ka adag isla markaana farta ku fiiqa soona faqa fadhiidnimada iyo cunsuriyada Muuse Biixi.


Haddaba xisbiga Wadani oo haysta ninka qoraalka qorey ayaa u gudbiyay sirdoonka Muuse Biixi oo lagu yaqaano inay dhalinta iyo hawenka guryahooda sharaxda soo xirxiraan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.