Garoowe–Puntlnad ayaa dareensan in ay tahay khaas ka duwan maamul goboleedyada jira waana markii shanaad oo raiisal wasaareyaasha isbedelka badani la galaan heshiis iyadoo ujeedadu tahay in maamulkoodu fido. Heshiiskan dambe ayaa la garanayn waxa uu kaga duwan yahay kuwii hore oo runtii loo arkayay wax aan macquul ahayn.
Hoos ka akhri heshiisyada uu hadda soo saxiixay Cumar C/rashiid oo ka soo jeeda isla Puntland:
1- Fulinta iyo hirgalinta heshiisyadii horey loo galay
Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland waxay isku afgarteen dardar-galinta dhammaan heshiisyadii ay horay u gaareen labada dhinac , oo uu ugu danbeeyay heshiiskii ay wada galeen labada dhinac 14kii October ee sanadkii 2014. Si arrintaasi loo gaaro waxaa la magacaabay guddi isku-dhaf ah oo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyadaas,waxaana la soo dhoweeyey wixii ka qabsoomay heshiisyadii la galay.
2- Shuruucda ay DFS soo saarto iyo samaynta guddiyadda heer qaran
Waxaa la isku raacay in dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya lagala tashado xeerarka uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo dhismaha guddiyada madaxa bannaan ee heer qaran, sida uu qabo Dastuurka Federaalka, Qodobkiisa 111aad, Farqaddiisa 2aad.
3- Dhismaha dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Soomaaliya
Dhismaha dawladaha xubnaha ka noqonaya Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaa loo marayaa si waafaqsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
4- U diyaar garowga iyo qabashada madasha wadatashiga madaxda sare ee DFS iyo dawladaha xubnaha ka ah.
Sidii lagu heshiiyey shir-madaxeedkii ka dhacay Muqdisho 6dii Febraayo 2015, waxaa lagu qaban doona kulanka madasha wadatashiga madaxda sare magaalada Garoowe bisha Abriil 2015, waxaana la isla gartay in guddiyadii farsamo ee horey la iskugu waafaqay ay soo dhamaystiraan taabagalinta hawlaha madasha heer qaran.
5- Dhismaha ciidan qaran oo ummadda u dhexeeya
Si loo dhiso ciidan qaran oo leh sumad qaran waxaa laysku afgartay in sadex kun (3000), oo askari loo qoondeeyey Dawladda Puntland.
6- Doorka Puntland ee Wadahadalada Dawladda Federaalka iyo Maamulka Somaliland
Waxaa lasoo dhaweeyay sida Dawladda Soomaaliya ay u maamulayso wadahadalka lagula jiro Somaliland iyo mowqifka ay iska taagtay wada hadaladii ugu danbeeyey.
7- Is-kaashiga hay’adaha dawladda Federaalka soomaaliya iyo Dawladda Puntland.
Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inay si toos ah iskaashi iyo wadashaqayn buuxda u yeeshaan wasaaradaha
labada dhinac sida:
Arrimaha dastuurka
Qaybsiga deeqaha caalamka iyo waxbarashada
Iskaashiga qorshaha qaranka
Siyaasadda Isgaadhsiinta qaranka
C/llaahi Warmooge wararka bariga iyo koofurta, Muqdisho
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay