X

Raiisal wasaare ku xigeenka oo booqdey safaarada Somalida ee Sucuudiga: SAWIRO

Raiisal wasaare ku xigeenka Somaliya ayaa booqdey safaarada Somalida ee Sucuudiga halkaas oo uu la kulmey qaar ka tirsan jaaliyada iyo waliba madaxda safaarada.



“Maanta waxaan fursad u helay inaan booqdo Safaaraddeena Soomaaliya ee ku taalla Boqortooyada Sucuudiga,waxaana la kulmay diblumaasiiyiin iyo madax u bisil una tababaran howsha loo idmaday, waana ku ammaanayaa dadaalkooda Soomaalinimo iyo sida ay uga go’an tahay iney kaalin mugleh ka qaataan soo celinta sharafkii iyo karaamadii ummadda”. Ayuu yiri R/Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.



Dhinaca kale, R/W ku-xigeenka Soomaaliya ayaa ku booqday gurigiisa oo ku yaalla Magaalada Riyaad Mudane Cumar Carte Qaalib oo horey xilal kala duwan oo kamid yahay Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibedeed uga soo qabtay dalka. Wuxuuna uga mahad-celiyay tacabkii iyo dadaalkii uu geliyay dawladnimada iyo shaqadii uu ka qabtay xiriirka arrimaha Dibedda intii uu joogay Wasaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.