X

Suuqa Gaalkacayo oo dib loo furey maanta iyo waxa xirey markii hore: SAWIRO

Suuqa Gaalkacayo ayaa dib loo furey maanta kadib suuqaas oo xirnaa maalmihi la soo dhaafay halkaasina uu khasaare ka soo gaaray dadka halkaasi ku ganacsada.



Suuqa ayaa u xirmay dagaal dhexmaray Maleeshiyo beeleed kasoo kala jeedda maamulada Puntland iyo Galmudug oo isku heystay Bakhaar ku yaalla Bartamaha Suuqa.



Masuuliyiinta degmada iyo gobolka ayaa qaaday dhufeysyo ay kala sameysteen ciidamadii dhawaan ku dagaalamay suuqa bartamaha ee Magalada Gaalkacyo .



Gudoomiyeyaasha Gobolka mudug ee Galmudug iyo Puntland Cabdirashiid Xasshi cartan iyo Xasan maxamed Khaliif ayaa sheegay in uu furan yahay suuqa islamarkana la kala qaaday ciidamadii isku horfdhiyay suuqa Galkacyo iyagoona ugu dambeynti ka codsay shacabka reer Gaalkacyo in ay ka shaqeyaan nabadda iyo xasiloonida.

    

 C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
admin:

This website uses cookies.