X

Raiisal wasaare ku xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Carte oo dalka ku soo laabtey kana dhawaajay arin muhiima+SAWIRO

Muqdisho–Raiisal wasaare ku xigeenka Somaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa dalka ku soo laabtey isagoo dhaawac ahaan loogu qaaday Turkiga kadib xasuuqii argagixisada shabaab oo dhiiga muslimiinta xalaashatay. Maxamed Cumar ayaa sheegay in gargaar deg dega loo baahan yahay marka ay dhacaan falalka argagixiso si loo badbaadiyo shacab badan.

“Marka ay wax dhacaan, waxaan loo bahan yahay dad tababaran oo markiiba ka jawaabi kara xaladaha deg degga ah, tusaale ciidanka marka ay galaan meel iyagoo tababaran oo garanaya wax ay qabanayaan waa wax lagama maarmaan ah, waana in la helo koox u diyaarsan ka jawaabidda xaaladaha caafimaad ee deg deg-ga ah”

Mudane Cumar Carte ayaa tilmaamay in shakhsiyan aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin weerarrada ay fulinayaan kooxda al-Shabaab.

“Aniga wax iska kay badalay majiraan waxaan Allah hortiisia ugu dhaartay ummadda Soomaliyeed inaan wax u qabto” ayuu yiri Ra’isul wasaare ku xigeenku.

Gagaba gabadiina,wuxuu shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sidii ay ula soo xiriir jireen mar kasta intii uu caafimaadka ku maqaa si ay wax uga ogadaan xaladdiisa caafimaad, waxaana uu sheegayaa in buu yiri inay xaaladdeyda caafimaad tahay mid wanaagsan, laga bilaabo maantana aan shaqadii billaaban doono.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.