Raiisal wasaare ku xigeenka Somaliya ayaa Itoobiya jooga. Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa baryahan wareegayay caasimadaha ku xeeran Somaliya.
Wuxuu soo gaaray magaalada Addis ababa halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan dawlada Itoobiya iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas Amb. Maxamed Cali Nuur.
Mudane Khadar ayaa ka qayb gali doona munaasabada xuska 12aad ee maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maanta ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee Samara.
Wuxuuna halkaas ka jeedin doonaa khudbad. Iyadoo munaasabaddan ay sidoo kale ka soo qeyb gali doonaan wufuud ka kala socota dalalka caalamka.
C/llaahi Warmooge madaxa wararka ARAABINEWS ee Koofurta iyo bartamaha Somaliya
ARAABINEWS


More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay