Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa booqdey dhaawacii xasuuqii shalay koxda galeyntu ku kacdey dadkeena. Warbixin hordhaca ayaa xasuuqa ku sheegtay ilaa 20 qof oo argagixisadu dhiigeeda xalashatey. Waxa farxad rayn rayn laga maqley idaacada kooxda gaalaynta oo tiri ”Allahu akbar”.
Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dhaawacyadaasi ku booqday Isbitaalada Madiina iyo Digfeer oo la dhigay dadka ugu badan,wuxuuna u kuurgalayay xaaladoodi caafimaad iyo in ay helaan adeegyo caafimaad oo kufilan iyo in kale.
Xasan Cali Kheyre ayaa balan qaadey inuu qaadayo dhaawacyada xaaladoodu culus tahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS