Raiisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dalbadey in la qaado cunaqabateyna hubka ee saaran dalka mudada 27 samo ku dhow. Hub la soo degid la’aanta ayaa keentay in Somaliya u xirnaanto ciidamada Afrika.
Kulan uu la qaatey hay’ada qaramada midoobey u qaabilsan cunaqabataynta saran Somaliya qaasatan safiir Mr Kiarat Umarow ayuu fariintan gudbiyay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga u sharaxay xaaladda ay Soomaliya marayso iyo halka ay u socoto, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka.
Sidoo kalena waxuu u soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS