X

Biyihii Webiga Shabeele ee Beledweyne oo xaafadaha qaar gudhaya: SAWIRO

Biyihii webiga Shabeele ee Beledweyne ayaa xaafadaha qaar gudhaya xilli dadku weli daadsan yihiib banaanka.

Isbedal ayaa laga dareemayaa Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo dhawaan inta badan ay ka barakaceen dadkii kunool ka dib markii uu Fatahaad ka sameeyay Wabiga Shabeelle.

Meelaha qaar ee Magaalada  gudaheeda, ayaa la arkayaa biyaha inay gureen, islamarkaana dadka ay yihiin kuwa soo galaya Magaalada gudaheeda.



Qaar ka mid ah Shacabkii kunoolaa Magaalada ayaa bilaabay in ay dib ugu laabtaan Xaafadaha qaar , inkasoo ay wali taagan tahay Cabsidda in Mar kale uu wabigu Fatahaad uu halkaasi ka sameeyo



.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWSm

admin:

This website uses cookies.