X

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadley dakhliga dawlada oo kordhey: SAWIRO

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley dakhliga dawlada ee kordhey oo muujinaysa in shacabka Somaliyed diyaar u yihiin inay dhistaan dalkooda intii kaalmo shisheeye ku tiirsanaan lahaayeen.


“Ganacsatada Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay waxa ay bixiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 27 sano, Sannadka soo socdana waxaan ka rajaynayaa inay intaas kasii badan doonto. Waxa ay suurtageliyeen in la bixiyo mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamda iyo in dunidu na aaminto oo si toos ah loo kabo miisaaniyaddeena. Guulahan waxaan ku gaarnay inaan la dagaallannay musuqmaasuqa”, ayuu raaciyay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.


“Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin, maxaan ahaan jirnay iyo maxaan hadda nahay ee laga hadlo maxaan noqon karnaa? Waxaan rajeynayaa inaan laga hadlin 30 sano ayaa naga luntay ee laga hadlo sidii aysan daqiiqad kale nooga lumi lahayn. Waxaan rajeynayaa in ganacsatadu aysan dowladda sugin oo ay aqbalaan in ay iyagu dowladda yihiin”, ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.