Raiisal wasaaraha Somaliya Xasan Cali ayaa buuxiyay jagooyin wasaaradeed oo banaanaa oo mid ka mida uu ka geeriyooday wasiirkii hayay jagadaas. Xasan Cali oo u dhoofay dalkaasi Maraykanka ayaa hore u sheegay weftiga sii raaci doona iyo waxa uu u tegi doono dalkaasi aadka u fog.
Jagada wasiirka dastuurka ayaa loo dhiibey Saalax Axmed Jaamac. Jagadan ayaa waxa ka geeriyooday C/raxmaan Xoosh Jibriil. Wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ayaa isna loo magacaabay Saadiq Warfaa, halka wasaarada Tamarta iyo kheyraadka biyaha loo dhiibey xildhibaanad Foosiya Sheekh Maxamed.
Raiisal wasaare Xasan Cali ayaa magaalada Waashinton uga qaybgalaya shir u dhaxayn doona Somaliya iyo hay’adaha bangiga aduunka iyo mida lacagta aduunka oo lagu yaqaano dhiigmiiradnimo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay