X

Raiisal wasaare Xasan Cali oo Cadaado ka furey dhisme is-xilqaan lagu dhisay: SAWIRO

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ku sugan Magalada Cadaado ayaa maanta waxaa uu xariga ka jaray dhismaha Xerada Cusub ee taliska qeybta 21aad ee Ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin duleedka Magaalada Cadaado.

Munaasabada xari-jarka ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayay horjoogaha maamulka Xaaf iyo qaarka mida xildhibaanada maamulka iyo masuuliyiinta la socda raiisal wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amaanay dhismaha Xeradaas taliska qeybta 21aad iyo Bulshada magaalada Cadaado oo ku dhisay Isxilqaan, waxana uu ka sheekeeyay muhiimada ay u leedahay dadka ku nool Gobolka Galkgaduud.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.