X

Saraakiil iyo ciidan ka goostey maamulka Somaliland oo Puntland soo dhaweysay: SAWIRO

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka Puntland si diiran loogu soo dhaweeyey Saraakiil iyo ciidan farabadan oo dhawaan ka soo goostey maamulka Somaliland. Waxa ku jirey guddoomiyihii gobolka Sanaag.


Xubno ka kala socda labada gole ee Maamulka Puntland oo hoggaaminayaan Wasiirada Waxbarashada, Dekedaha, Xannaanada Xoolaha, Arrimaha gudaha, Ganacsiga iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland.


Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Daraawiishta oo uu hoggaaminayo Abaanduulaha ciidamada Daraawiishta Generaal Gorayocawl cuqaal iyo isimo uu ka mid yahay Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid iyo qaybo kamid ah shacabka caasimadda ayaa soo dhaweeyey masuuliyiintan duleedka Magaalada.


Siyaasiyiinta iyo ciidanka gobolada Sool iyo SAnaag ayaa kola dhinac u orda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.