Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley sababta madaxweyne Farmaajo uga qaybgelin furitaanka waxa loo yeero aqalka sare oo la garanayn adeega ay u hayaan ummada Somaliyeed aan ka ahayn inay jaqaan dhididka hooyada yaanyada ku gada Muqdisho.
Sheekada aqalka sare ayaa la abuurey kadib heshiis siyaasaded oo u dhexeeyay fadhiid Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Faroole iyo Mahiiga. Waxana inta badan watey Faroole iyo Mahiiga. C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu kuraas dheeraada ku helayo sheekada aqalka sare.
“Runtii sida Somalida weerar dastuur loogu soo qaaday ayuu ka mid ahaa sheekada aqalka sare oo Somaliya gebi ahaanba u baahneyn koox fadhifa ku cunta lacagta masaakiinta xilli dalalka badankoodu ay tirtiteen sheekada aqalka safe oo laga soo koobi gareeyay gaalada sida Maraykanka ayuu yiri Warsame Cslasow oo jooga Muqdisho.
“Waxaanba la yaabay magaca ay isugu yeeraan qabqableyaashii hore ee dalka gubey oo ah ayuu yiri Sinaytor oo ah eray ka yimi gaalada Maraykanka ayuu raaciyay Warsame Calasow.
Raiisal wasaare Xasan Cali oo furey waqti lumiskan loogu yeero aqalka sare ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ku mashquulsan yahay arimaha amniga, taas oo looga garaabay xilli dhiigmiiratada shabaab ay xasuuqeen shacabka Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee Somaliya ayaa u baahan barlamaan gaaraya ugu badnaan 120 xildhibaan oo kaliya iyo guddiga khilaafaadka dastuurka. Dastuur cusubna uma baahna ee waxau haystaa dastuur dadku u cideeyeen maaha mid gaaladu wadato oo khaniisku xoryahay.
“Waxaan oran lahaa dalka halagu soo celiyo gacan Soomaali hana laga bilaabo turyirida,sheelada aqalka, daaqad ka tuurida dastuur dhoodhoobka iyo dib u habaynta madaxda gobolada ayuu ku calaaxalay Warsame Calasow.
Watbixintii C/llaahi
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay