X

Raiisal wasaare Xasan Cali oo si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

Raiisal wasaaraha firfircoon ee dalka Somaliya Xasan Cali ayaa si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyay Dhuusamareen halkaas oo uu u sii gogol xaadhayo imaatinka madaxweynaha si loo soo afjaro xiiliga doorashadu dhacayso.


Waxa garoonka ku soo dhaweeyay horjoogaha Galmudud Qoor Qoor, iyo sadexda horjooge ee kale ee Axmed Madoobe, Laftagareen iyo Waare iyo dadweyne aad u farabadan oo ruxaya calanka qaranka.

RW Xasan Cali waxa la socday wafti ka tirsan golihiisa wasiirada. Xasan Cali ayaa si weyn loogu amaanay dhismaha maamulka Galmudug oo ilaa hadda dadka deegaanku ku qanacsan yihiin.


Dhawaan ayaa la filayaa in la soo afjaro xilliga doorashadu macquul tahay in la qaban karo, xilli maamul jufeedyada ku shirey degmada ay ku fashilmeen inay wax ku daraan talada loo dhiibey ee doorashada, weliba u dhiibteen kooxda beesha caalamka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.