X

Maxaan ka ognahay diyaarad Amisom lahayd oo ku dhacdey Beledweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne  gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in diyaarad ay leedahay Amisom ay ku dhacdeygaroonka magaalada. Maamulka degmada ayaa sheegay in la waayay wax lagu bakhtiiyo maadaama garoonka aanu jirin dabdemis.


Diyaaradan oo sidey agab iyo cunto u sidey ciidanka Jabuuti ee ku sugan Beledweyne, waxayna ka soo duushey isla Jabuuti, waxana la socdey wadaha iyo laba rakaaba ama la shaqeeya duuliyaha.

Waxana lagu guulaystey in sadexdoodab la soo badbaadiyo inta dabku gaarin. Dadka ayaa markii dambe ku faafay diyaarada oo ah nooca qaadka yar. Waxa dadku arkey olol ka baxaya diyaarada inteyna cagadhigin.


Maxaa sababay dhicitaanka

Diyaaradaha Somaliya soo gala ayaa badankoodu u qalmin inay duulaan maadaama ayna helin dayactir ayna yihiin kuwo gaboobay. Wadaha diyaarada ayaa sheegay in dhabaha diyaarada uu soo galay dameer kadibna ay sidaa ku buburtet diyaarada.

C/laahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.