X

Raiisal Wasaare Xasan Cali oo soo xirey imtixaanaadka dugsiyada: SAWIRO

Wasiirka koowaad Xasan Cali ayaa soo xirey imtixaanaadka dugsiyada sare oo soo socday in muddo kadib markii imtixaanaadkii hore la fashiliyay ilaa haddana la raadinaayo cida fashilisay.


Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa booqday Xarunta Gahayr ee jaamacadda umadda Soomaaliyeed oo kamid ah goobaha imtixaanku maalmahaan ka socday si uu u ogaado xaalada ardayda gashay imtixaanka uguna dhiiri galiyo in ay sii wadaan heerarka kala duwan ee Waxbarashada.


Xasan Cali ayaa ardayda Soomaaliyeed ee u soo dhabar adaygay waxbarashada u rajeeyey guul, waxa uuna ku booriyey in ay dadaalka iyo dul-qaadka sii wadaan si hogaamiyaasha dalka uga mid noqdaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.