X

Iiraan oo ku tilmaantey shir Carabta uga socda Sucuudiga mid Yuhuudu wadato

Masuul u hadley Iiraan ayaa ka sheegay shir Carabta uga socda Sucuudiga inuu yahay mid ay soo qaban qaabisay Yuhuuda iyo Maraykanku oo aan haba yaraatee ahayn mid Carabi leedahay.

Shirkan oo uu ka qayb galay madaxweynaha Somaliya Farmaajo ayaa waxa dalbadey boqorka Sucuudiga oo dabada ku haya Yuhuuda iyo Maraykanka, kuna bixiyay malaayiin doolar.


Shirkan ayaa fashilmey intaanu bilaabanba maadaama kaliya looga hadlaayo sidii Iiraan loo weerari lahaa. Iiraan ayaa sheegtay in shirkaasi yahay mid Sucuudigu taageero uga helayo Carabta kale.

Waxa hore Sucuudiga u diidey wadamada Muslimka ee xorta sheegayna inayna raali ka ahayn weerar lagu qaado Iiraan muhiimna ay tahay in Sucuudigu joojiya gaalada uu dabada ku wato.


Dhinaca kale Iiraan ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay wadamada khaliijka la gasho heshiis nabada ama axdi ku dhisan bilaa dagaal, waxana taas taageerat Ruushka oo sheegay inay fududayn karaan haddii loo baahdo.

Xagjir Taram ayaa markabkiisii dagaal uu welli taagan yahay badda Hindiya ama meel aan ka fogeyn Cumaan isagoo ka baqaya inuu hore u socdo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.