Raiisal wasaare xigeenka dalka ayaa markab dushii kula kulmey wefti. Muddane Khadar, ra’iisalwasaare ku xigeenka dalka ayaa midowga Yurub ku boogaadiyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay in midowga Yurub ay ka codsadeen xoojinta iyo dar dargelinta howlaha loogu hortagayo kaluumeyiga sharci darada ah ee ka dhacay biyaha Soomaaliya.
”Wefti ka socda midowga Yurub oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee hawlgalka ATLANTA ee la dagaalanka Budhcad-baddeedka; ayaanu shir kuwada yeelanay Markab taagan Biyaha Badweynta Soomaaliya. Markabkaasi oo kamid ah Maraakiibta Budhcadda ka ilaaliya biyaha Caalamiga. Weftigaasi waxaanu kawada hadalay arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka wada shaqayneed iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo midowga Yurub iyo siddii hawlgalada Burcad-baddeedku si wadajir ah looga gaari lahaa hadafka laga leeyahay oo ah siddii maraakiibta dunidu ugu kala gooshi lahayd warwar la’aan iyo nabad-qab” ayuu yidhi Ra’iisalwasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS