18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Raiisal wasaarihii Lubnaan ee Sucuudigu xilka ka qaaday oo hadley

Raiisal wasaarihii Lubnaan ee Sucuudigu xilka ka qaaday ayaa markii ugu horeysay Hadley. Sacad Xariiri ayaa asagoo Sucuudiga jooga sheegay inuu xilkii ka degay.



Lubnaan ayaa codsatey in Sucuudigu sii daayo Xariiri oo aanu ku awrkacsan. Madaxweynaha Lubnaan Misheel Cawn iyo hogaamiyaha xisbulah Nasralah ayaa labaduba sheegay in Sucuudigu dagaal ku soo qaaday Lubnaan.



Sacad Xariiri aya sheegay inuu dalka ku soo noqonaya oo uu mari doono wadada saxda ee la isku casilo. Madaxweynaha Lubnaan ayaa diidey inuu aqbalo iscasilada Sucuudiga ka dhacdey.



Sucuudiga ayaa ku fashilmey inuu Lubnaan u adeegsado meel uu ugala dagaalamo Iiraan oo dagaal diimeed u gaara uu kala dhexeeyo oo Muslimiinta kale dhib ku qabin.

Waxa Sucuudiga ku kalifey inuu Xariiri sii daayo markii Maraykanku diidey in Lubnaan loo isticmaalo meel Sucuudigu ku awrkacsado asagoo ka baqaya inuu dagaal toosa la galo Iiraan.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS